Aqoon wadaag

Somali platform for science and technology exchange

Friday, January 06, 2006

Waxaan Akhriyey ”The 100” ( Buug cajiib ah)

Qore: Ilyaas Maxamud Xuseen | Ilyas_mah@hotmail.com

Qaybtii 1aad

Hordhac

Seddax todobaad oo fasax ayaan haystey bishii Disember 2004 oo maalmo kamid ah wadamadan reer galbeedka looga dabaaldego awgeed, sidaa daraadeed ayaan waxaan jeclaystey in aan akhristo buug ka duwan bugaagta aan wax ka barto (economics), waxaan go’aansadey in aan akhriyo buug taariikhda ka hadlaya, waxaa maskaxdayda ku soo dhacey buug aan in mudo ahba ku fekeraayey in aan akhriyo kaas oo ah “ The 100 a ranking the most influential person in history “. Waa buug ka hadlaya 100-ka qofood ee saameeynta ugu weyn ku reebey nolosha bani’aadanka. Madaama buuga aan aad ulla dhacey ayaan waxaan gartey in muraajaco kooban ka siiyo Soomaalida kuwooda jecel qoraallada taariikhda ka hadla.

Qoraaga buuga The 100 wuxuu isku soo aruurshey boqolka qofood ee taariikhda dunida wax weyn ka badaley ama saameeyn weyn ku reebey nolosha bani’aadanka. Ragga buuga lagu xusey waxay isugu jiraan Saynisyahano dunida ku soo kordhiyey aqoon ama sancad hore u jirin, siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal dagaal, filosofiin, hogaamiyayaal diin, qoraayaal, farshaxanlayaal iyo sahanmiyeyaal (Explorers), kuwaasoo noolaa 600 sano ka hor dhalashadii nabi Ciise ilaa iyo qarnigii 20-aad. Ragga buuga ku jira waa niman wax ka bedeley malaayiin dad ah oo dunida ku nool habka ay u noolyihiin ama u fekeraan, waa rag sabab u noqdey in ay dhismaan ama burburaan xadaarado (Civilizations) badan oo dunida soo martey ama maanta ka jira. Buugan The 100 waxuu noqdey buug aad looga gatey dunida oo idil waxaana lagu tarjumey in ka badan 35 luqadood oo ay ka mid tahay luqada Shiineeska.

Qoraaga Buuga

Ninka buuga qorey waxaa la yiraah Michael H. Hart waa nin dhalashadiisu tahay Mareykan wuxuu haystaa sedax shahaado jaamacadeed. Hart waa (astronomer, mathematician, lawyer, scientist) . Wuxuu u shaqeyn jirey NASA, wuxuuna wax ka dhigi jirey jaamacada (Maryland, USA). Waa nin noloshiisa intii badnayd ku qaatey waxbarasho.

Qaar ka mid ah ragga buuga lagu xusey

Buuga waxuu Dr Hart ku soo aruurshey boqolka qofood ee uu u arkey in nolosha bani’aadamka wax ka bedeleyn. Raggaas waxaa ka mid ah nabiyo sida nabi Maxmed , nabi Ciise, nabi Muuse. Saynisyahano sida Isaac Newton, Louis Pasteur, Galileo Galilei, Albert Einstein, James Watt, Michael Faraday iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo buuga lagu xusey hogaamiyayaal wadan iyo hogaamiyayaal dagaal sida Alexander the Great, Napoleon Bonaparte, Adolf Hitler, Simon Boliver, George Washington, Genghis Khan iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo buuga lagu xusey rag filosofiin ah oo dunida ku soo kordhiye aragti iyo falsafooyin cusub sida Aristotle, John Locke, Rene Descartes iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo buuga ku xusan rag suugaanta iyo fanka casriga kor u qaadey sida Ludwig van Beethoven, William Shekespeare, Voltaire. Waxaa kaloo buuga lagu xusey rag kaloo badan oo caan ah oo taariikhda magac ku reebey kuwaasoo nolosha bani’aadamka wax weyn ka bedeley.

DR Hart oo u doortey in uu liiskiisa hogaamiyo nabi Maxamed (csw)

Dr Hart wuxuu u kala hormarshey ragga buugiisa ku xusan sida ay u kal muhiimsanyihiin, asaga oo eegayo hadba inta ay la’egtahay saameeynta ay raggaas ku sameeyeen nolosha bani’aadanka iyo inta qarni ay socotey saameyntooda. The 100 waxaa markii u horeysey la daabacey sanadkii 1978. Goortii buuga uu soo baxey wuxuu amakaag iyo yaab ku ridey boqolal kun oo Mareykan ah kadib markii ay arkeyn in uu nabi Maxamed yahay ninka uu Dr Hart u doortey in uu hogaamiyo liiska buugiisa. Dadweynihii Mareykanka ahaa waxey aad ulla yaabeen Xulashada Dr Hart waxayna dad badan isweydiiyeen sababta keentey Wadanku waa Mareykan, qoraaga waa nin Masiixi ah, dadka loogu tala galey in buuga akhristaan waa dad Mareykan ah iyada oo arimahaas oo idil jiraan ayuu hadana qoraaga buuga nabi Maxamed u doortey in uu ka dhigo qofka 1aad ee taariikh ebed soo mara ee ku reeba saameynta ugu weyn nolosha bani’aadanka.

Dr Hart asaga oo arintaa ka hadlaya wuxuu buugiisa ku leeyahay “My choice of Muhammad to lead the best of the world’s most influential persons may surprise some readers and may be questioned by others, but he was the only man in history who was supremely successful on both the religious and secular levels." Xulidda aan Maxamed (nabi Maxamed (csw)) u xushey in uu hogaamiyo liiska qofka dunida ugu saameeynta badan waxaa laga yabaa in dad badani ay ka yaabiso qaar kalena su’aallo isweydiiyaan, laakiin asaga (Maxamed) waa ninka keliya ee taariikhda xusto oo si heer sare ah ugu guuleystey dhinac diin iyo mid diinta aan quseynba.

Muxuu ku micneeyey Dr Hart xulashada nabi Maxamed

Dr Hart sababta uu nabi Maxamed (csw) uu uga dhigey lambarka 1aad wuxuu ku macneeyey in nabi Maxamed (csw) dunida ku soo kordhiyey diin, diimaha dunida ka jira kuwa ugu waa weyn mid ka mid ah iyo in uu ahaa hogaamiye karti iyo aragti fog. Sedax iyo toban qarni ka dib dhimashadii nabi Maxamed (csw) in weli sii nooshahay oo awood iyo saameeyn sii leedahay diintii uu la yimid. Dr Hart wuxuu buugiisa ku sheegayaa in dadka intiisa badan ee buugiisa lagu xusey in ay helayn ama haystayn fursad qaali ah oo aan nabi Maxamed aanan helin taas oo ah in ay ku dhasheen kuna barbaareen degaano ay xadaarad (civilization) ka jirto, leh aqoon iyo ganacsi sare iyo siyaasad degan, laakiin in nabi Maxamed (csw) uu Maka ku dhashey oo wagaas ahayd goob aan ka jirin wax xadaarad (ilbaxnimo) ah islamarkaana ka danbeysa dunida inteeda kale dhinaca walba, kana fog wadamadii waqtigaa hogaaminayey aqoonta, ilbaxnimada iyo ganacsiga. Nabi Maxamed (csw) lix jir ayuu ku noqdey agoon isla markaana ma uusan helin fursad uu wax ku barto, waxuuna ku weynaadey asagoo ah (illiterate) ruux aan wax qorin waxna aqrin. Waqtigaa Carabta intii badnayd waxay ahaayeen ugaarsato iyo xoola dhaqato liita, jahligana dhinac walba ayuu ka saameeyey, waxayna caabudi jireen sanabada mana lahayn wax aqoon iyo ilbaxnima ah,waxaana dhaxdooda mar walba ka taagnaa dagaallo ahli ah oo qabiil qabiil ayey isku leyn jireyn..

Bulshadii sidaa u danbeeysey oo jaahilka ahayd, kalana qaybsanayd ayuu nabi Maxamed mideeyey, kadib markii ay Islaamka qateena waxay noqdeyn bulsho xadaarad leh oo dunida hogaamisa waxayna ka adkaadeen boqortooyin awood badnaa oo mudo badan soo jirey sida midii Romaanka(Roman Empire *1), tii Faarisiinta (Sassanid dynasty *2). Carabta tira ahaan ma ahayn dad fara badan, laakiin diinta cusub ay qaateen ayaa waxay ku abuurtey hami iyo geesinimo weyn. Waxay qabsadeen oo islaamka soo geliyeen wadamo iyo dadyow ka xadaarad sareeyey oo wagaa ku hareersanaa jasiiratul carab. Waxay mudo nus qarni ka yar qabsadeen dhulkii wagaa la’dhihi jirey Mesopotamia, oo waqtigaa ka talin jirtey boqortooyadii xooga badneed ee Faarisiinta (Sassanid dynasty) iyo Siriya, Falastiin oo ka talin jirtey boqortooyadii wagaa dunida ugu xooga badneed Roman Empire.

Sanadku markuu ahaa 641 waxay ka adkaadeen oo burburiyeen boqortooyadii Faarisiinta(Persian Empire). 642 Muslimiinta waxaa qabsadeyn Masar oo waagaa ka talin jirtey Boqortooyadii qibdhiyiinta (Byzantine Empire*3) . 711 ciidamadii Muslimiinta waxay furteen waqooyiga Afrika, intaas kuma ekaan ee waxay qabsadeen boqortooyadii Visgothic*4 ee Spain waqtigaa ka talin jirtey. Ciidamadii muslimiinta waxay soo gaareen sanadka markuu ahaa 732 Tours bartamaha wadanka Faransiiska halkaasna waxaa ka dhacey dagaalkii caanka ahaa ee Battle of Tours*5 dagalkaasoo lagu jabiyey ciidamadii Muslimiinta laguna hakiyey dhul balaarsigoodi.

In Carabtii ku nooleyd Jasiirad carab qabsadaan dhul sidaa u weyn kana adkaadaan ummad sidaa u badan oo ka xadaarad sareysa marnaba ma suurtagasheen hadii Carabtu qaadan lahayn diinta nabi Maxamed la yimid. Carabtii waqtigaa waxaa awooda u yeeley isla markaana mideeyey oo dad xadaarad leh ka dhigey waa diinta ay qaateen. Waxaa taariikhda dunida soo marey rag badan oo ummadaha ay la noolaayeen dhaqankooda ama noloshooda wax ka bedeley, ama ka xureeyey gumeeysi xoog ku haystey sida Simon Boliver oo ahaa ninkii la dagaalamey gumeeystihii Spain ee xooga ku haystey koonfur Amerika , hase’yeeshe Koonfur Ameerika mar walba waa ka xuroobi lahayd dowladii Spain xataa haduusan jiri lahayn Simon Boliver oo ma sii socon karin gumeeysigii boqortooyadii Spain. Sidoo kale haduusan Gugliemo Marconi alifi lahayn Raadiyaha, qof kale ayaa soo saari lahaa ama alifi lahaa Radiye oo aqoon lagu soo saari karey dunida wagaa wey jirtey, laakiin arinta Maxamed (nabi Maxamed csw) waa mid ka duwan. Ummadii Carbeed ee qarnigaa nooleed abid kama adkaateen boqortooyinkii ku heeraarsanaa, mana qabsateen dhul sidaa u balaaran, hadii Maxamed ummadaas ka dhalan, horeyna uma dhicin mana jiraan astaamo muujin kara in ay dhici kartey. Carabtu waxaa awooda u yeeley isla markaana mideeyey oo dad xadaarad leh waa ka dhigey waa diinta ay qaateen.

Mudo ka yar hal qarni ayaa diinta Islaamka ku fidey qaarada Afrika, Aasiya, iyo Yurub. Diinta Islaamka waxay mideysey dadyow kala qoomiyada ah, kalana dhaqan iyo luqad duwan. Ummad badan oo Carab ahayn ayey Carab ka dhigtey ka dib markii ay qaateen diinta Islaamka. Geeridii Maxamed( nabi Maxamed swc) waxaa ka soo wareegtey 13 qarni, welina diintii uu la yimid sidii bey awood iyo saameeyn u leedahay. Waa arin aan taariikhda hore u soo marin in hal nin uu bedelo qaabka ay u noolyihiin ummad idil saameeyna ku yeesho ummado kale oo ka dhaqan iyo luqad duwan oo weliba saameyntiisu ay sii socoto qarniyaal sidaa u badan. Sababahaas aan kor ku soo xusey ayaa igu kalifey in Maxamed aan ka dhigo ninka koowaad ee taariikhda bani’aadamka ebid soo mara oo la yimaada ama kasbada saameeyn ugu weyn (the most influential person in history).

Sababta aan Maxmed ((nabi maxamed (csw)) aan uga hor mariyey Ciise (nabi Ciise csw) waa Maxamed diinta uu la yimid cid kale saameeyn iyo faragelin kuma yeelan laakiin diinta uu Ciise la yimid oo maanta aamminsanyihiin dadka Misiixiga ah waxaa saameeyn weyn ku yeeshey S.Paul oo ah ninka faafiyey caqiidada maanta ay aamminsanyihiin dadka misiixiinta ah taas oo ah in Ciise uusan ahayn nabi keliya ee uu ahaa wiilka Ilaah, waana qoraaga qorey inta badan kitaabada diinta Kirishtanka (New Testament) ee maanta ay aamminsanyihiin Misiixiyinta dunida ku nool. Ciise wax qoraallo ah lagama qorin intuu nolaa isla markaana afkiisa lagama maqlin asaga oo sheegaya in uu yahay wiilka Ilaah ama Ilaahnimo.

Maxamed diinta uu la yimid iyo kitaabka Qu’raanka cidna kuma sameeyn faro gelin. Qur’aankana Maxamed intii uu noolaa ayaa gebi ahaanba la aruurshey sidaa darteed diinta Islaamka asagaa mas’uul ka ahaa caqiidada ay xanbaarsan tahay iyo hirgilinteedaba. Tan Kirishtaankase waxaa la qorey oo la soo aruurshey sanooyin kadib markuu Ciise geeriyoodey,waxaana faragelin ku sameeyey S.Paul sababbahan awgood ayaan Maxamed uga hor mariyey Ciise.

Muhammad played a far more important role in the development of Islam than Jesus did in the development of Christianity. Although Jesus was responsible for the main ethical and moral precepts of Christianity, St. Paul was the main developer of Christian theology, its principal proselytizer, and the author of a large portion of the New Testament.

Muhammad, however, was responsible for both the theology of Islam and its main ethical and moral principles. In addition, he played the key role in proselytizing the new faith, and in establishing the religious practices of Islam. The influence of Muhammed through the medium of the Koran has been enormous It is probable that the relative influence of Muhammad on Islam has been larger than the combined influence of Jesus Christ and St. Paul on Christianity. On the purely religious level, then, it seems likely that Muhammad has been as influential in human history.

***********************************

Sharaxaad taariikheed kooban

*1. Roman Empire: Boqortooyadii Roomaanka waxay ahayd boqortooyo aad u awood badan kana talin jirtey dhul aad u balaaran. Dhulka boqortooyadaa ka talin jirtey wuxuu ka soo bilaabmey Bartamaha dhulka maanta loo yaqaan Great Britain ilaa iyo dhulka maanta loo yaqaan Siiriya iyo Falastiin iyo qayb weyn oo ka mid ah dhulka Masaarida iyo qayb ka mid ah waqooyiga Afrika (eeg sawirka hoose). Waqtigii ay dhismatey oo dhab ah boqortooyadii Roomaanka lama hubo, dadka taariikhda wax ka qorana waa isku khilaafsanyihiin laakiin waxaa loo badiyaa in boqortooyadaa dhismatey markey taariikhdu ahayd 753 dhalashadii nabi Ciise ka hor.



*2 Sassanid dynasty: Waxay ahayd boqortooyo aad u awood badan oo ay hogaamin jireen Faarisiinta (Persians) waxayna ka talin jireen dhul aad u balaaran, dhulka maanta loo yaqaan Turkey, Iran , Iraq, Azerbaijan, Armenia, Georgia iyo qayb weyn oo ka mid ah India, Pakistan iyo Afganistan (eeg qaaridada hoose). Boqortooyada Faarisiinta (Sassanid dynasty) waxay dhismatey sanadku markuu ahaa 228. Roman Empire iyo Sassanid dynasty waxay ahaayeen labada boqortooyo ee dunida ugu awooda badnaa qarnigii 2aad ilaa iyo kii todobaad dhalashadii nabi Ciise (csw) ka dib, waxaana mar walba ka dhaxeen jirey dagaallo joogta ah. Boqortooyadaa Faarisiinta waxay inteeda badneed burburtey sanadka markuu ahaa 641 goortaa oo ciidankii muslimiintu ka qabsadeen dhulkii Faarisiinta ka talinjireen oo ku jirto magaallo madaxdii boqortooyadii Faarisiinta Madaa’in. Waqtigaa waxaa muslimiinta xukumi jirey Cumar Bin khidhaab,hase’yeshee boqortooyadii Faarisinta dhulka ay ka talin jirtey waxaa gebi ahaan la qabtey waqtigii muslimiinta uu hogaaminayey Cusmaan bin Cafaan 651.



*3 Byzantine Empire: Boqortooyadii Roomaanka waxay u qaybsantey laba qayb sanadku markuu ahaa (284-305). Qaybintaa waxaa ka danbeeyey boqorkii waqtigaa awooda hayey Diocletianus. Boqor Diocletianus wuxuu dareemey in ay adag tahay in boqortooyadiisa hal meel looga taliyo madaama dhul balaaran gacanta ku hayeen, sidaa darteed ayuu boqortooyadi u qaybshey qayb galbeed iyo qayb bari. Qaybta galbeed wuxuu awooda u dhiibey Maximian oo ahaa ku xigeynkiisa. Sidaas ayey ku dhismatey boqortooyadii Byzantine oo noqotey qaybta bari ee boqortooyadii Romaanka. Mudo qarniyaal ahna waxay ka talin jirtey koonfurta iyo bariga qaarada Yurub iyo dhulka maanta loo yaqaan Falastiin iyo Siiriya, waxay kaloo gacanta ku hayeen qayb ka mid ah dhulka Masaarida iyo qayb ka mid ah waqooyiga Afrika. Sanadku markuu ahaa 306 waxaa awooda Boqortooyada Romaanka dhinaceeda bari la wareegey Constantine the Great, wuxuuna magaallo madax ka dhigtey magaallada Istanbul oo waagaa dadka Gariiga ah u yaqaaney Byzantine,wuxuuna ka soo wareejiyey magaallada Rom. Magacii Byzantine waxaa loo bedeley “Constantinople”. Costantine the Great ayaa magaallada loogu magac darey, hase’ahaate boqortooyadii waxay qaadatey magicii magaallada Byzantine, sidaas ayeyna ku sameysmatey boqortooyadii Byzantine Empire, waxayna awooda boqortooyadaa jirtey mudo 1000 sano ku dhow 306 ilaa iyo 1453, goortaas oo boqortooyadii Cismaaniyiinta jibisey boqortooyadii Byzantine, gacanta u gashey magaalladii Kostantinaboli ( oo maanta loo yaqaan Istanbuul).

*4 Visigothic: Goortii ay burburtey qaybta waqooyi ee boqortooyadii Roomaanka 418 ayaa dhowr qabiillo oo asal ahaan ka soo jeedey Jarmal qabsadeen koonfurta Faransiiska. Sanadku markuu ahaana 429 waxay qabsadeen dhulka maanta loo yaqaan Spain halkaas oo ay ka dhisen boqortooyo la magac baxdey Visigothic, waxayna boqortooyadaa dhulkaa ka talisey mudo ku dhow 250 sano. sanadka markuu ahaa 711 ayaa ciidamadii Islaamka burburiyeen boqortooyadaa markii ay qabsadeen Spain.

*5 Battle of Tours: Waa dagaal si aad ah u xusto taariikhda wadamada reer galbeedka waa dagaalkii lagu jebiyey laguna hor istaagey dhul balaarsigii ciidamadii Muslimiinta . Dagaalkaa waxuu dhacey sanadka markuu ahaa 732 wuxuuna ka dhacey bartamaha dhulka Faransiiska wuxuuna ka dhacey magaallada Tours halkaa waxaa lagu diley hogaamiyihii ciidanka Muslimiinta Amiir Cabdiraxmaan. Dadka wax ka qora taariikhda reer galbeedka waxay yiraahdaan hadii dagaalkan Muslimiinta ka guuleeysan lahaayeen ciidamadii Fransiiska oo uu hogaaminayey Charles Martel waxaa halis geli lahayd jiritaanka diinta Kirishtanka mana jirin ciidan kale oo reer galbeed ah oo hor istaagi karey ciidamadii Muslimiinta.



La soco qaybta 2aad oo aan ku soo qaadan doono ragga kale ee buuga lagu xusey

Ilyaas Maxamuud Xuseen
(Gothenburg, Sweden)
Ilyas_mah@hotmail.com

Tuesday, October 25, 2005

Monday, October 24, 2005

Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka?

Soomaalida ku nool Kismaayo iyo kuwa ku nool Zeylac amaba Hargeysa ama Muqdisho inkastoo ay waxyaalo badan wadaagaan haddana labo mid ayay si run ah uga siman yihiin, diinta islaamka oo aysan si run ah ugu dhaqmin ama ay magac ahaan u haystaan iyo qabiilka oo dhiiggooda ku shaqeeyo,Soomaalidii qurbaha ama reer galbeedka u soo qaxdayna labadaas arrimood ayay labo kale ku soo darsadeen . “Been xad dhaaftay in ay sheegaan, si ah khiyaano ah ama in ay xaaraan quutaan”



Markii aad timaadid waddamada reer galbeedka waxaa qasab ah in lagaa qaado wareysi ku saabsan waxa kugu kalifay in aad waddankaagii ka soo haajirto ama ka soo qaxdo iyo wixii dhibaato ah ee shaqsi ahaan lagu soo gaarsiiyay,waana sharci u yaala waddamaas in ay helaan sabab macquul ah si ay qofka ku siiyaan oggalaansho in uu ku noolaado waddankooda,waana sharci dunida u yaala oo ay qaramada midoobay dagaalkii labaad ee dunida sidaas ku go’aansaday, laakiin waxay masiibo ka dhacday dadkii Soomaalida ahaa iyagoo intooda badan laga yaabo in ay run ka tahay in ay waddankooda ka soo haajiraan nabad la’aan darteed ay been shubaan taas oo dambi weyn ka soo gaaro.



In been laga sheego magaca qofka,carruur aysan dhalin yiraahdaan waan dhalay iyo in la qaldo magaca aabbaha waa wax ka caadi ku ah dad badan oo Somaaliyeed isla markaana islaam sheegayana, haddaba Soomaalidii ku noolayed wadamada reer galbeedka markii la siiyay degganaansho,guryo ay ku noolaadaan,waxbarasho iyo in loo oggolaado in ay shaqeystaan ayay intii ay Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ku mahdin lahaayeen sida uu addoomahiisa ugu saqiray ku dhaqaaqaan sidii ay wax u dhaci lahaayeen ama u sheegi lahaayeen been ay wax ku dhacaan waliba been keliya ma oran karnee waxay ku kacaan denbi aad u weyn denbigaas oo ah waxa ay ugu yeeraan kala noolaanshaha ama waxa loo yaqaano separateka.



Waa maxay kala noolaanshuhu ama separateka?



Kala noolaanshaha waxa uu u kala baxaan laba nooc:



1- Midka ugu khatarsan uguna denbi badan inkastoo aysan is dhaamin labada noocba ayaa ah: In wiil iyo gabar Soomaali ah isku guursadaan waddamada reer galbeedka ah,waddamadaas ay isku guursanayaan waxaa yaala sharci ah in dowladda hoose laga soo diiwaan geliyo ama loo sheego guur kastoo dhaca si labadaas qof loo ogaado in ay sharci isku yihiin,loolana dhaqmayo sida dad xaas ah oo kale,hal meelna ku wada noolaadaan lacagta iyo qarashka soo galana ay wadaagaan iyo haddii ay carruur isku dhalaan loo siiyo magaca aabbaha dhalay loolana dhaqmo sharciyada carruurta guurka sharciga ah ku dhalata.



Meeshii laga doonayay in ay iska soo diiwaan geliyaan wiilkii iyo gabadhii Soomaaliyeed ee is guursaday ayay afkooda xirtaan meelna aysan iska soo diiwaan gelinaynin,taas macnaheeda waxay tahay in loola dhaqmo gabadhii wax guursatay sidii gabadh aan wax guursan oo kale, midda kowaad waxaa meeshii si aan shaki ku jirin uga baxaya ninkii wax guursaday oo habayaraatee aanan sheegan karin in uu gabdhan qabo haddii ay wax dhashana ma sheegan karo ilamhaas in uu dhalay,gabadhii ayaa kuu soo hartay,iyadana waxaa loola dhaqmaya sida hooyooyinka sharci la’aanta wax ku dhala ama af Soomaali haddii aan ku jilcino wacallada ama garacyada oo kale waayo gabdhan ayaan sheegan in uu nin qabo,carruurta ay dhashana waxaa loogu abtirinayaa iyada oo waxaa la siinaya magaca aabbaheed,waayo iyada ayaaba oranaysa waxaan ilmahan ku dhalay sharcidarro xitaa ma oran karto waxaan ku dhalay saaxiibtinimo waayo saaxiibtinimada xitaa waxaa la sharciyeeya oo la ogaada in ilmahan ay iska dhaleen labo qof oo wada nool yasan is qabine,inkastoo uu magaceeda wato ilmahaas haddana waa in ay maxkamad la kortaa ama la martaa sidii iyada xitaa loogu sharciyayn lahaa oo uu oggolaansho siiyo ninkii ay ku sheegtay in uu saaxiibkeed yahay,isku soo wada duub ilmaha aan sharci dowladeed ama guur ay dowladdu og tahay ku dhalanin dhibaato weyn ayaa lala maraa sidii looga diiwaan gelin lahaa waddanka uu ku nool yahay .





Maxaa ku kalifaya dadkan Soomaaliyeed in ay sameeyaan denbiga sidaas u weyn isla markaana ay carruurtooda ku tilmaamaan kuwo aabbe laawe ah?



Jawaabta su’aashu aad ayay u fududdahay,waxayna tahay in ay helaan xoogaa yar oo lacag dheeraad ah,iyagoo aan dan ka lahayn in lacagtaasi ay xaaraan tahay iyo in kale,lacagtaasi waxay ku helayaan marka ugu horraysa lacagtii ay qeybsan lahaayeen labada xalaasha isku qabta ayaa midba gooni u qaadanaya,wiilkii wax guursaday ayaa xor u noqonaya wixii uu shaqeysto ama caydh ku helo,gabadhii iyadana sidoo kale wixii soo gala xor ayay u tahay gaar ahaan caydheeda ama lacagta ay siiso dowladda,haseyeeshe waxaa taas daba socota in uusan weligiis aabbu sheegan karin ilmahan haddii ay hooyada ilmaha dhashay dhimato waxaa dhici karta in ay dawladdu ilmahaas qaadato oo korsato sida marar badan dhacdayba mana ku dhaco in uu soo sheegto,haddiise la xisaabiyo lacagtaas foolxumada iyo denbiga lagu helayo waxay ku biyo shubataa khasaare,haseyeeshe waxaa la halaajinaya ilmaha yar oo lagu quudinayo lacag aan xalaal ahayn isla markaana haysanin aabbihii loo nisbeyn lahaa.



Nooca labaad ee kala noolaanshaha ama separateka



Nooca labaad ayaa ah waaliddiin markii ay waddamadan soo gelayeen u sheegay dowladda in ay is qabaan carruurtii ay markaas wateena loo aqoonsaday in ay iyaga dhaleen oo aabbaha loogu nisbeeyo sida islaamku aaminsanyahay,haseyeeshe muddo kadib waxay la soo baxaan beentii iyo khiyaanadii ay ka barteen kuwii ka horreeyay,waxayna dowladdu u sheegaan in ay is furayaan si ay lacagta mid walba xor ugu nqodo oo uu lahaado daqli gooni u ah,sidii ay sameeyeenba kuwii ka horreeyay,sidaas ayayna ku noolaadaan inti ay doonaan,waxayna ku noolaadaan dhuumasho iyo shaki aan yarayn iyagoo ka qaba in la soo qabto ama la soo ogaado,haddii inta ay kala nool yihiin ilmo dhasho labo arrimood ayay dowladdu ka yeesha in ilmihii yaraa lagu qoro magacii carruurtii walaalahiis ahaa ee ka weynaa oo la siiyo magaca aabbaha ama in la siiyo magaca hooyada..





Aqoon kororsi gaaban oo ku saabsan kala noolaanshaha ay Soomaalidu reer galbeedka dhaqan ka dhigteen.



1- Ma ogtahay waddanka Ingiriiska in ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan kala noolanshaha,waxaaba la sheegaya in ka badan 80% ay separate ama kala nool yihiin iyagoo carruuro isku leh,waxaa kaloo la sheegay in ay dad isku sheegay in dadkaasi intooda badan ka muuqato calaamadaha islaamnimada oo ay wataan dharkii islaamka,tukadaan,waddanka Canada Soomaalida ku nool ayaa ku jirta lambar labaad,halka Holland 3aad ay haleeshay waddamada Iskandanefiya iyo Australia ayaa 4aad isku hasyta ama wada qeybsaday.



2- Ma ogatahay in ay haweenka intooda badan mas’uul ka yihiin badanaa arrintan kala noolaanshaha,ragga Soomaaliyeed ayaan wax saameyn ah ku yeelan karin hadba sida ay rabto in ay u noolaato haweentiisa,laba kala daran la kala dooro ayaa u taala ragga, in uu iskaga tago ama uu ku raaco falkan denbiga ah,nasiib xumo waxa uu doorta inta badan midda dambe oo ah in uu dambiga la dhex yuunbado.



3- Ma ogtahay oo kale in ragga kala noolaanshaha ku nool aysan shuqul ku lahayn waxa ay haweenkooda walaaqayaan ama sameynayaan haba u badnaadeene dhinaca dhaqaalaha,mase ogtahay in ay haweenkaas raggooda aysan uga harin wixii lacag ah ee uu goonidiisa u helay?



4- Ma ogtahay oo kale qoysaska kala noolaanshaha ku nool ay u faanaan waa dhinaca dhaqaalaha kuwa yar ee xalaasha quuta,ayna ku eedeeyaan xalaal quudatada had iyo jeer in aysan lacag u dirin ehelka ku nool waddankii hooyo,dhaqamada dadkaas waxaa ugu weyn istus iyo ha la i arko ay wax ku bixiyaan,iyagoo aan habayaraate aan dareemin in ay Alle denbi ka galeen,meeshii ay xishoon lahaayeene galo kibir iyo isla weyni.



5- Ma ogtahay oo kale in dadka ku nool kala noolaanshaha uu ku dhaca fashilka ugu badan ee ku yimid qoysaskii Soomaaliyeed ee reer galbeedka ku noolaa,taasna waxaa sababay labadii is qabtay oo aan habayaraate is-haysan iyo masiibo kale oo Rabaani ah.



6- Ma ogtahay in lacagta Soomaaliya loo diro inta ugu badan la soo dhaco ama sharcidarro lagu tabcado,waxaana adag in qof ku nool reer Galbeedka uu guryo ka dhisto Soomaaliya, waayo lacagta halkan laga sameeyo inta badan ma soo dhaafto quutalyoomka ama wax lagu noolaado.



Zahra Abdi Hersi.

Holland

umubakar@hotmail.com

Saturday, October 22, 2005

Emotionele intelligent

Horaa loo yidhi qof kastaa wuu cadhoon karaa bals inaad cadhadaada xadayn kartid maaha wax fudud. Marar badan ayaynu wararka aynu ka maqalaa dilal fool xun oo dhacay oo ka bilowday qof cadhadiisa xadayn kari waayay. Tusaale ahaan laba qof oo hadal is waydaarsaday oo midkood baskoolad ama qori soo qaatay oo uu bilaabay inuu rasaas ooda kaga qaado dadkii meesha joogay ayaynu wararka ka maqalaa. Suáashu waxay tahay maxaa qofkan maskaxdiisa qaaday? mudo kadib haddii aad jeelka ku waraysatid mid ka mida dadka dilalkan lama filaanka ah galaya oo aad waydiisid sida uu u fikirayay marka uu dilkaas gaysanayay waxa kaaga soo baxaysa jawaab layaableh “Ismaan kala ogayn meel aan marayay iyo waxaan samaynayay”. Tusaalahani waxa uu ku tusayaa in ay maskaxdeenu leedahay laba hab oo ay u shaqayso: Habka fikirka iyo habka dareenka (emotional/rational).
Qoraaga caanka ah Dr. Daniel Goldman oo ah joornalis ka soo baxay jamacada Hardford markii dambena ku takhasusay cilmiga nafsiga ayaa baadhitaan dheer oo uu sameeyay waxa uu ka qoray 1996 buug aduunyadoo dhan caan ka noqday oo la yidhaa Emotionele intelligent. Daniel buugiisan waxa uu ku sheegay in fahmada waxbarashada (IQ) oo qudhaati aanu ahayn ka qofka u haga horumarka. Imtixaanka IQ waxa uu wax ka sheegaa horumarka uu ilmahu xaga tacliinta ka gaadhayo. IQ inta badan waa dhaxal waalidka laga dhaxlo, tacliinta aynu iskuulada ku dhiganaana inta badan waxay korisaa oo qudha IQ, balse arday badan oo IQ sare kaga baxay iskuulada ayaa nolosha ka dambaysa aan horumar wayn ka samaynin dhinaca shaqada, la dhaqanka dadka iyo xidhiidhka qoyska iyo bulshada ku xeeran. Daniel waxa uu buugisa ku sheegay inaan IQ sare oo qudhaati aanu ku filayn guusha uu qofku ka gaadhayo xaga nolosha balse uu qofku u baahanyahay horumar xaga Emotionele intelligent ka ah (EQ).
Qoraagu buugan oo ka kooban shan qaybood waxa uu si qoto dheer ugag hadlay qodobadan:
Siday ay maskaxdeenu u shaqayso iyo sida ay xarumah dareennada kaladuwan ee maskaxdu u kala qaybsanyahiin. Wuxuu sharaxaan dheer ka bixiyay xaruma maskaxda ee xukuma dareenka subkoonishen oo ah qaybta hoose ee maskaxda ahna xarunta xukunta dareenada cadhada, murugada, warwarka, jacaylka, farxada iwm. Qaybta sare oo ah maskaxda fikirta (rational mind) oo ku shaqaysa hab xisaabtan iyo loojiko ah oo uu qofku si toosa u xukumo. Balse qaybta hoose ee maskaxda qofku si toosa uma xukumo, haddii aanu baranin xarfad iyo khiyaamo aad ku gashid albaabka maskaxhoosadka (emotional mind). Xarfadaa iyo hab khiyaamadkaa uu qofku ku xukumayo maskaxhoosadka dareenka ayaa ah ta dadku ku kala badiyaan. Qofbaa cadhadiisa iyo dareenkiisa warwarkalehi si dhibyar uu u afduubaa oo maskaxdiisa fikiraysa laga xoog waynaadaa, halka midkalena uu arintan si aan toos ahayn u hor istaagi karo. Habdhaqanka ka dhexeeya qofka iyo maskaxdiisa qaybta dareenka iyo fahhanka uu qofku u leeyahay dareenadiisa kala duwan waxa uu qoraagu u bixiyay Emotionele intelligent (EQ). Waxanay aqoonyahanada cilmu nafsigu imika sheegeen inuu qofku u baahanyahy IQ iyo EQ sareeya si uu horumar wayn nolasha uga gaadhi karo.

Waxa cad in dareenka qofka ee cabsida, cadhada iwm ay leeyahiin shaqo ay qofka u qabtaan. Tusaale ahaan cabsidu waxay marar badan kaaga digtaa khatar kugu soo fool leh oo waad ku badbaadaa, balse marar kale oo badan cabsidu waxay xayiraad ku noqonaysaa maskaxdaad shaqadeedii, tusaale ahaan dareenka cabsida ah ee kugu yimaada markaad leedahay wadahadal shireed oo mihiima ama qudbad aad meel ka jeedinaysid wuxuu naftaada ku sameeyaa xayiraad farabadan iyo inay maskaxdaadii fakaraysay ay si fiican u shaqayn kari waydo.
Maadaama aynaan inagu si toosa u xukumin maskaxda wada dareenkeena oo ay si aan toos ahayn uga amar qaadato fikirka ka dhex socda maskaxdeena sare (rational mind), waxa ay dadka bina aadmaga ahi ay inta badan isku mashquuliyaan hawlgalo ay ku qancinayaan (sasabayaan) maskax hoosaadkooga sida daawashada filimaanta, tagina xafladaha, dhagaysiga muusiga iwm, waxa kale oo ay dadku sameeyaan inay isticmalan walxo kiimiko ah oo ay ku sasabayaan qaybtan maskaxada sida khamriga iyo daraaga kala duwan.
Wada shaqayta ka dhaxaysa labada qaybood ee maskaxdeena inta badan dhibaato kama dhex aloosna oosi wada jir ah ayay u wada socdaan, balse marka xaaladu ay adkaato mida hoose ayaa isku dayda inay maroorsto hogaanka maskaxda fikiraysay. Afduubkaa maskax hoosadku waa ka sababa ayay leeyahiin aqoonyahanda baadhista sameeyay dhibaatoyin badan oo caalamka ka dhacaya. Sida uu qofku isaga badbaadin karo afduubkaasi waxa ay ku xidhantahay Emotionele intelligent ka qofka.
Baadhitaan uu sameeyay Dr Salovey waxa uu ku soo koobay si uu qofka loo odhan karo EQ wuu fiican yahay waa inuu shan qodob horre uga maray:
1- Waa inuu qofku aqoon u yeeshaa dareenadiisa kala duwan iyo sida ay u shaqeeyaan, garana karaa goorta ay dareenadaasi kacaan ama kacsan yahiin.
2- Qofku waa inuu dareenkiisaa leexleexinkaraa waddano uu isagu u jeexi karaa. Waxa ayno hore u soo sheegnay inanay suurto gal ahayn in wakhtiga uu dareenku wax afduubo inay shaqayso maskaxda fikiraysaa, sababtaa awgeed waa inuu qofku bartaa xarfad uu ku hor istaagi karo dareenkiisa.
3- Dhamaan dareenada maskaxdeenu maaha ku jar inaga ridaya balse qaar ka mid ahi waa hogaanka inoo horseeda dadaalka, firfircoonida aynu shaqo ku qabano. Qofku waa inuu bartaa hab uu ku xukumi karo dareenada u hogaaminaya dadaalka(Zelf motivation).
4- Qofku waa inuu fahmo u leeyahay dareemada qofka kale maskaxdiisa ka socda (empathie). Qodobka ugu mihiimsan dad la dhaqanku waa dareen kala qaadashada labada qof ka dhaxaysa. Haddii uu qofku dareenkiisa uu xajin karana waxa uu fahmo dheerada u yeelankaraa dareenada dadka ku xeerran.
5- Qofku waa inuu dad la dhaqan leeyahay, bulshada ku dhex jira ku fiican fahanka dadka kale hogaamina karaa waxno ka dhaadhicinkaraa.
Shantan qodob ayaa wakhtigan casriga ah ay aqoonyahanda cilmi nafsigu ay aasas uga dhigeen in qofku oo noqon karo mid leh awood EQ oo saraysa. Waxaana la sameeyay imtixaano lagu tijaabinayo EQ qofka.
Aqoonyaahanadu waxa ay cadeeyeen in habka ay ragga iyo dumarku ula dhaqmaan dareenkoogu uu kala duwanyahay. Ragguna ay yihiin kuwa aan si wayn u dhagaysanin dareenka naftooda ilaa uu gaadho heer uu qarxo, halka ay dumarku inta badan xidhiidh wayn ay la leeyahiin qaybta maskaxda ee dareenka faraysa.
Aduunyadan aynu ku noolahay ee ku socota xawaaraha dheeraynaya waxa imika soo ifbaxaysa in qarnigan 21 xanuunada maskaxda ee dhibarashanku uu sii badanayo dadbadan oo shaqeeya oo aan waalayna ay yihiin kuwa qabo xanuuno maskaxeed uu dhibarashanku ugu badanyahay. Daniel waxa uu buugisan ku sheegay in aqoon iyo hab xidhiidh uu qofku u yeesho qaybta maskaxda ee dareenku ay kaalin wayn ka galayso ka hortagida xanuunada maskaxda sida dhibrashanka.

Gabagabo
Buugan Emotionele intelligent run ahaantii waa buug aad u xiiso badan isbadal farabadana ku sameeyay aduunka tan iyo markuu soo baxay 1996. Waxa layaab ah in qaybo badan oo uu buugani ka hadlay iyo siduu uga hadlay ay aad ula mid tahay waxyaabo badan oo ay diinteenu ay hore inoogu sheegtay. Xitaa qoraaga buugani waxa uu si cad u tibaaxay in ducada iyo salaadu ay tahay habka ugu fiican ee lagu xadaynkaro dareemada maskaxdeena ka dhex socda. Waa mucjiso kale oo inoo cadaatay in aqoonyahana cilmiga nafsigu ay maanta inoo sheegayaan wixii uu 1400 sanadood ka hor uu Ilaahay (Sw) uu inoo soo faray rasuulkiisii (SCW). Waxa buugan iyo buugag kale oo badan ka cad in cudurada maskaxda ka dhashaa ay noqonayaan qarnigan kuwa ugu badan ee dadka dhibaatada u gaysta. Aminaaduna ay tahay habka qudha ee lagula dagaalami karo cuduradaas.

Sunday, September 25, 2005

Google earth borograam aad u xiiso badan

Socodka iyo safarku Somalida reer guuraga ah caadadood bay ahayd. Qarniyo hore haddii ay awr raran jireen oo meel doogan oo roob ka da’ay ay raadsan jireen waxa manta u badalay baabuur, diyaarado, maraakiib iyo tareemada dheereya. Qofka Somaliga ahna dhiigisay ku jirtaa inuu jeclaysto inuu caalamka daafahiisa uu barto.Haddii uu baabuurkii iyo diyaaradihii ay kula gaabiyeen ama aad safarka ka daashay oo inaad socoto aanad rabin Google earth waxay suura gal kaaga dhigtay in adoo kombuyuutarkaaga daba fadhiya in caalamka meeshii aad doonto aad murayada kombuyuutarka aad ka daawan karto.



Google earth si lacagla’aan ah ayaad u soo duuban kartaa. Kadibna caalamka oo dhan meelkastaad ka booqan kartaa.Magaalooyinka waawayn ee caalamaka (specialy US) waxaad ku arki kartaa sawir 3D ah. Adigoo dhismayaasha waawayn geestaad doontid ka eegi kara. Sawiradan hoose waa google earth sida aad ugu arki kartid Manhatan NY.

Halkan ka daawo Film ku tusaya sida aad PC aad ugu arkikartid.

Halkan ka daawo Hargeisa iyo sidaad Google earth ugu arki kartid.



Waxa suurto gal ah in aad ka dalbatid in barmaamijku u kuu calamadiyo wadooyinka tareenka,mitroga ama meeshaad ka heli karto hotels IWM.



Maaha o qudha inaad aragtid magaalooyinka iyo dhismayaasha ee waxaad si fiican ugu arki kartaa buuraha iyo deeganada quruxda badan ee caalamka meeshii aad doontid.



Meelo badan oo wadan keena ah ayaad ka eegi kartaa, inkasta oo aanay ku jirin sawiro meel dhaw laga soo qaaday oo diyaaradeen sida magaaloyinka maraykanka hadana, aad bay u xiiso badantahay in aad wadankaaga magaalooyinkiisa, tuuloyinkiisa ama buurahiisa aanad waligaa aanad arag aad si gaara ugu eegtid. Tusaalayaasha halkan hoose waa Geeskii afrika markaad ku soo dhawaanaysid. Markaad hoos u sii socotid waax dooranaysaa dhinaca magaalada aad doonaysid in aad si gaara u eegtin. Anigu waax u durkay markiiba magaaladaydii aan magaalo aan ku doorsadaa aanay jirin waa Hargeisa iyo magaaladaan ku dhashay waa Jabouti oo labadaba aad si fican ugu arki kartid Google Earth.

Mararka qaarkood waxaad arkaysaa wax aanad filanayn tusaale, inkastoo aqaan magaalada Berbera hadana maan ogay in ay leedahay gacan bada ku dhex jira oo dakadeeda dabiiciga ah ka dhigay mid dabysha ka celeya. Waxa kale oo aanan waligay filayn in Buurta Almis ay tahay mid sidaa u wayn oo ko taala meel gooniya oo ka yara baxsan silsilada Golis.

Muqdisho waa magaalada qudha ee aan soo helay maab elegtronig ah oo la sameeyay wakhtigii dagaalkii Maraykanak eeg forumka lagu soo ban dhigo BBS. Keyholehttp sawiro dheerada oo aad boragaraamkaga ku dhex furi kartid si aad warbixin ka badan inta ku jirta aad u heshi.

Gabagabaddii waxa suurto gal ah in aad Google earh kaaga aad ku kordhisid sawiro diyaarad lagu soo qaaday sida kuwan sare Sawiradani waa Mogadisho, Hargaysa iyo Barbara.